|
Jabuti,(insidesomalia.org)-Shirka Mucaaradka iyo Dowladda KMG ah uga furmiya Magalada Jabuuti ayaa waxaa ka soo baxaya Sawiro kala duwan oo laga dheehan karo durba ifafaalaha uu la soo baxay.
Dadbadan oo siyaasadaha bariga Africa odorasaa ayaa aaminsan in shirkani uu noqon doono mid aan miro dhalin, qaar ayaaba sheegaya in shirkani uuba ka liidan doono kuwii horey loogu qaban jiray Magaalada Khartum ee Wadanka Sudan.
Shirkan ayaa waxaa isha si weyn ugala socda Qaramada Midoobey, Ururka Africa iyo Jaamacada Carabta waxaana si fiican isha ugu haya umada Soomaliyeed oo xiligan quus ka taagan Wadanka marxalada uu marayo.
Shirkan ayaa waxaa saamayn weynku leh dhowr Dal oo ay ku jirto Jabuti oo shirka martigelisay, waxaana safka hore kaga jira Wadamada Ethopia, Eritrea, Masar, America.
Waxaana la aaminsan yahay in Eriteria iyo Ethopia ay dagaalkoodii xaduudaha ay usoo rareen gudaha Dalka Soomaliya, halkaas oo maalin kasta dadka rayidka lagu garaaco madaafiic ay adeegsanayaan kooxo ay labadooduba tageeraan.
Faragalinta Shisheeyaha ee Shirka Jabuti
Tan iyo xiligii ay burburtay dowladii Soomaliyeed horeentii 90naadkii, waxaa soo baxayey dano shisheeyuhu uu ka leeyahay gayiga soomaliya, Shirkan waxaa saameyn xoogleh ku haya faragalino shisheeye iyo siyaasado isdiidan oo ay huwan yihiin labada garab ee iskuhaya siyaasada wadanka Soomaliya (Mucaaradka iyo Dowlada).
Mucaaradka Soomaaliya ee saldhigiisu yahay Asmara waxaa ay ku doodayaan in aysan gogol la fadhisan doonin Dabadhilifyaal (Dowlada KMG) iyagoo xujo ka dhigaya ciidamada Ethopia in ay ka baxaan Soomaliya.
Taas oo la aaminsa yahay in Erirea ay dabada ka riixayso. Dhinaca kale Eriteria ayaaba raali ka ahayn in Jabuti lagu qabto shirka iyadoo u arkaysa Jabuti cadaw cusub.
Sidoo kale, Jabuti, oo marti galinaysa Shirka, ayaa iyana curyaaminaysa shirka, Waxay Jabuti ay col u aragtaa C/laahi Yusuf hogaamiyaha Dowladda Federaalka KMG ah ee Somaliya, oo ay aaminsan tahay in Dowladii Ismail Cumar Geele 2000 uu ku dhisay Carta uu burburiyey, islamarkaasna C/laahi Yuusuf xiligaas waxaa uu qaadacay shirkaas, odayaal iyo siyaasiyiin ka qaybgalayna wuu xirxiray.
Dhinaca kale Ethopia ayaa u aragta shirka hadii la isku fahmo fursad soomalidu ku heshiin karto, iyadoo ka soo horjeeda in la helo nabad iyo Dowlad Calan leh, islamarkaasna u aragta Mucaaradka khatar ku wajahan xakuumada Males Sanawi. Masar ayaa saamayn ku leh iyana shirka, iyadoo Dowladda KMG u aragta wax ay Ethopia ay ku shaqaysato.
Maraykanka ayaa ah xudunta fashilka shirka isagoo lagu eedeenayo markasta oo xal soomaliyeed soo dhow yahay in uu carqaladeeyo. Weerarkii Dhuusamareeb ayaa dab ku shiday in la heshiiy, islamarkaasna labalaabi doona weerarada laga soo horjeedo Dowladda iyo Ethopia.
Si kastaba ha ahaatee, Waxaa la aaminsan yahay in shirkani uu yahay Fari kama Qodna Faanoole oo labada garaba aysan u badaxbanaaneed hogaamintooda siyaasadeed islamarkaasna ay ka fogtahay wadaniyada, u nixida umada abaaraha, sicirbararka iyo dagaaladu ay aafeeyeen.
Hadaba waxaa aan fiirin doonaa bal waxa kasoo baxa isbuucyada soo socda.
|